Home / Somali News / Dhageyso:- C/wali Gaas oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madasha Qaran

Dhageyso:- C/wali Gaas oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madasha Qaran

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Muqdisho soo gaaray gelinkii dambe ee Shalay,waxaana uu ka soo kicitimay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Muqdisho uu u yimid ka qeyb galka Shirka Hogaamiyaasha Madasha Qaran oo looga hadli doono gaba gabada doorashooyinka iyo Qodobo kale.

C/wali Gaas Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in Shirka Madasha uu socon doono Mudo Labo Maalmood ah islamarkaana uu u yimid ka qeyb galka Shirka Madasha Qaran.

Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga ayaa shirkii ugu dambeeyay ku sheegay in 13-ka Bishaan oo la soo dhaafay ay Madashu kulmi doonto,inkastoo aysan taasi dhicin,balse waxaa la filayaa in Beri oo ah 17-ka December uu Shirku Muqdisho ka furmo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Gaas

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top