Home / Somali News / Michael keating oo la kulmay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Michael keating oo la kulmay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Muqdisho–KNN– Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire  Michael keating ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Kulanka oo ay Albaabadu u xirnaayeen ayaa la sheegay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Danjire Michael keating ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin 11-ka Kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu laalay iyo Qeylo dhaanta kale ee weli ka soo yeereysa Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Beelaha intaba.

Weli lama oga Natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday Kulanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Wakiilka QM u qaablisan Soomaaliya ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Guddiyada Doorashooyinka Jubbaland,Koofur Galbeed Hirshebelle , Galmudug iyo Jubbaland ayaa si wada jir ah uga horyimid Go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku joojiyeen 11 -ka xildhibaan ee la doortay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top