Home / Somali News / Ban Ki-moon oo laga yaabo inuu madaxweyne-nimada dalkiisa u tartamo

Ban Ki-moon oo laga yaabo inuu madaxweyne-nimada dalkiisa u tartamo

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa bidhaamiyey inuu dhawaan u tartami doono madaxweynenimada waddankiisa Kuuriyada koofureed.

Wakhtiga uu Mr Ban haynayo xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku eg dhamaadka bisha Disembar.

Shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyey ayuu ku sheegay in waxoogaa nashasho ah ka dib uu ku laaban doono Kuuriyada koofureed, uuna ka baaraan degi doono sida ugu wanaagsan ee uu dalkiisa wax ugu tari karo.

Doorashooyinka soo socda ee Kuuriyada koofureed ayaa la qorshaynayaa in la qabto Disembar 2017, laakinse waxaa dhici karta in cod bixin ay dhacdo laba bilood gudahood, ka dib markii baarlamaanku uu u codeeyey in dacwad lagu soo oogo madaxweynaha iminka, haweeneyda Park Geun-hye, taasoo la xiriirta fadeexado ku saabsan dad ku hodmay saamayn ay iyada ku lahaayeen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top