Home / Somali News / Carruur Shuban Biyood ugu Geeriyootay Degmada Jalalaqsi

Carruur Shuban Biyood ugu Geeriyootay Degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi–KNN–Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in 24-kii Saac ee la soo dhaafay ay Xauunka Shuban Biyoodka ugu dhinteen ugu yaraan 10 Ruux oo Carruur u badan.

Carruurta ayaa la sheegay in Maalmihii ugu dambeeyay uu soo ritay Xanuunka,waxaana hadda la xaqiijiyay in illaa 9 Qof ay Xanuunka u dhinteen.

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Carruur ka badan 50 ay Hadda Xanuunka Shuban Biyoodka la il-daran yihiin.

Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo uu maro wabiga Shababelle ayaa laga soo sheegayaa inuu Fara ba’an ku hayo Dadka ku nool Xanuunka Shuban biyoodka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top