Home / Somali News / Dhageyso:- Madaxda Galmudug oo lagu Eedeeyay in Dastuurka Maamulkaasi ay Jabiyeen

Dhageyso:- Madaxda Galmudug oo lagu Eedeeyay in Dastuurka Maamulkaasi ay Jabiyeen

Cadaado–KNN– Xildhibaanno ka tirsan Maamul Goboleedka galmudug oo Saxaafadda kula Hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Galmudug aysan hadda la heyn Hogaan amarkiisa la qaato oo ku sugan Galmudug,waxaana ay sheegeen in Madaxdii ugu sareysay Galmudug ay Sharci daro ku maqan yihiin.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Dastuurka Galmudug uu dhigayo in hadii uu Maqan yahay Madaxweynaha uu Xilka ku simayo Kuxigeenkiisa,haddii Kuxigeenka uu Maqan yahayna uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Xilka sii haynayo,haddii sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka uusan jooginna uu Kuxigeenkiisu Xilka sii haynayo.

Xildhibaanada ayaa intaa ku daray in Afarta Mas’uul ee Dalka ugu sareysa  ay gabi ahaanba maqan yihiin oo ay jabiyeen dastuurka Maamulka u degsan islamarkaana Galmudug aysan maanta laheyn Hogaan Galmudug jooga oo amarka laga qaato.

Waxaa ay ku baaqeen Xildhibaanada in Baarlamaanka Galmudug uu badbaadiyo Ummadda Reer Galmudug oo Kulan aan Caadi aheyn ay isugu yimaadaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Xildhibaanada

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top