Home / Somali News / Madasha wada tashiga oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddiga xalinta khilaafaadka

Madasha wada tashiga oo maanta warbixin ka dhageysanaya Guddiga xalinta khilaafaadka

Madasha Hoggaanka Wada-tashiga Qaran ayaa maanta la filayaa inay warbixin dhameystiran ka dhageystaan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kaddib markii ay maalmo ka hor laaleen natiijada doorashada 11-kursi oo ay tilmaameen in hab aan sax aheyn lagu doortay.

Guddiga oo shalay Madasha hor-tagay ayaa warbixin horu dhac siiyay, iyadoo maanta laga sugayo faah faahin rasmi ah oo ku aadan qaabkii ay u xaliyeen cabashooyinkii hor-yaala iyo go’aan ka gaaristooda 11-ka kursi.

Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay goob joog ka noqdaan shirka madasha oo maalintii labaad galay.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu kaga dalbaday Guddiga xalinta khilaafaadka inay sharaxaad dhab ah ka bixiyaan sida lagu xaliyay 13 kursi oo ka mid ahaa 24-kursi oo uu horay Guddiga u sheegay in dacwad adag laga keenay, iyadoo markii dmabe Guddiga uu ku soo koobay dacwadaas 11 kursi oo uu natiijada doorashadooda laalay.

Madaxda Madasha ayaa shirkii shalay uga hadlay xaaladaha abaaraha, iyagoo isku raacay dhismaha Guddi heer qaran ah oo ka qeyb qaata gurmadka abaaraha deegaanada gobolada dalka.

Shirkii Madasha ayaa wali lagu soo qaadin in xal laga gaaray muranka ka taagan aqalka Sare ee gobolada waqooyi, iyadoo qodobkan ahaa waxyaabaha keenay in mar kale shir isugu timaado Madasha.

Madaxda Madasha ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabada dhaarinta Xildhibaanada labada aqal oo diyaar garowgeeda uu ka socdo magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maalinta berri la qabto.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top