Home / Somali News / Shiinaha oo qabtay gujis Maraykanka laga leeyahay

Shiinaha oo qabtay gujis Maraykanka laga leeyahay

Washinton ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Shiinaha, ka dib markii askarta Badda ee Shiinaha ay ka qabteen gujis bilaa naakhuude ah oo Ameerikaanku leeyahay badda South China Sea.

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in wax la fahamsan yahay inuu yahay gujis cilmi baaris saynis ah samaynaya uu hawl ka waday biyaha caalamiga ah ee ka baxsan Filibiin.

Waxay sheegeen in badmaaxayaal shiinees ah ay hore ka dafeen, ayadoo markab ay leeyihiin ciidanka badda ee Maraykanka uu doonayey inuu soo saaro. Ma jirto jawaab ka soo baxday Shiinaha.

Shiinaha ayaa ka carooday markii bishan gudaheeda uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, su’aal galiyey sida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu u ilaaliyo siyaasadda Beijing ay madax banaanideeda ku hoos keenayso Taiwan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top