Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Al-shabaab oo la wareegay Degmada Mahaddaay Ee Gobolka Sh/dhexe

War Deg Deg ah:- Al-shabaab oo la wareegay Degmada Mahaddaay Ee Gobolka Sh/dhexe

Mahaddaay–KNN– Dagaalameyaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa Xalay Dagaal kula wareegay Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Banaanka uga baxeen.

Dagaal ka dhacay Magaalada ayaa la sheegay inuu geystay Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac,waxaana la xaqiijiyay in Labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ay Dagaalka ku dhinteen.

Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Gacan ku haynta Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ay la wareegeen Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Shabaab ayaa Saakay waabarigii dib uga baxay Magaalada Mahaddaay, waxaana Magaalada ku soo laabtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Magaalada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha dhexe ayaa ka mid ah Magaalooyinka ugu Muhiimsan ee ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maamulka Hirshabelle iyo kan Degmada Mahaddaay weli kama hadlin Dagaalka Al-shabaab ay Xalay ku qabsadeen Degmadaasi Mahaddaay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top