Home / Somali News / 40 qof oo ku dhimatay weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Yemen

40 qof oo ku dhimatay weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Yemen

Ugu yaraan afartan askari ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo uu gaystay qof isqarxiyey oo ka dhacay magaalada dekadda leh ee Cadan ee Koonfurta dalka Yemen.

Weerarka oo ka dhacay goob ku dhaw saldhig ciidan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo fara badan, waxaana lala beegsaday askarta oo ku jirtay saf si ay u qaataan mushaarkooda .

Waa weerarkii ugu dambeeyey weeraro xiriir ah oo lagu beegsanayo ciidamada la qorayo dalka Yemen. Todobaad ka hor, xooggaga la baxay dawladda Islaamka ayaa ayaa ku dilay 50 askari magaalada Cadan, halkaas oo ay ka taliso dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top