Home / Somali News / Ciidamada Jubbaland oo Howlgallo ka wada Galbeedka Kismaayo

Ciidamada Jubbaland oo Howlgallo ka wada Galbeedka Kismaayo

Kismaayo–KNN–Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Howlgallo ka wada Degaano dhowr ah oo Shalay ay kala wareegeen Xarakada Al-shabaab kuwaas oo ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Howlgallo Ammaan Xaqiijin ah ay ka wadaan Degaanada ay Shalay Shabaab ka qabsadeen,waxaana ka mid ah Cabdalla Biroole iyo Beerxaani.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay ku raadjoogaan Xoolo u badan Geel oo laga dhacay dadka Reer Guuraaga ah ee ku nool Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top