Home / Somali News / Dhageyso:- Ciidanka AMISOM oo Dilay Afar Carruur ah iyo Hooyadood

Dhageyso:- Ciidanka AMISOM oo Dilay Afar Carruur ah iyo Hooyadood

Ceel-wareegow–KNN– Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Degaanka Ceel-wareegow ee Gobolka Shabellaha Hoose ay ku dileen Afar Carruur ah iyo Hooyadii dhashay.

Aabaha Qoyska ay Mashaqadu ku dhacday oo Maanta la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Guri Aqal Soomaali ah oo ay Qoysku ku jireen uu jiiray Gaari Ciidanka AMISOM ay leeyihiin islamarkaana halkaas ay ku dhinteen Carruurtii iyo Hooyadii dhashay.

Waxaa uu intaa ku daray Aabaha la hadlay KNN in Ciidamada AMISOM loo dhigay Qarax islamarkaana ay Cararayeen xiiga ay Qoyska Jiireen.

AMISOM weli kama hadlin Dilka Qoyska Shanta ka kooban ee ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top