Home / Somali News / Nin ay Abaar Xoolihiisii dhaafisay oo isku dilay Gobolka Mudug

Nin ay Abaar Xoolihiisii dhaafisay oo isku dilay Gobolka Mudug

Mudug–KNN– Wararka ka imaanaya Waqooyiga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegaya in Abaar aad u daran ay ka jirto inta badan Gobolka Mudug,waxaana Abaartu ay sababtay in Dad iyo Duunyaba ay dhintaan.

Mid kamida Odayaasha Dhaqanka Maamulka Puntland oo lagu Magacaabo Gorod ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in Abaartu ay sababtay in Dadka Qaarkood ay is dilaan.

Gorod waxaa uu sheegay in Xabad uu Madaxa iskaga dhubtay Nin Oday ah oo kamid ah Dadka reer Guuraaga ah ee ku nool Waqooyiga Gobolka Mudug kadib markii Xoolihii uu dhaqan jiray ay Abaartu dhaafisay.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii Nin 60 sano jir ah uu isku Daldalay Gobolka Galgaduud markii Abaartu ay Xoolihii uu dhaqan jiray ay dhameysay.

Dhacdooyinkaan ayaa ah kuwo ku Cusub Soomaaliya,iyadoo dad badan markii ay Maqleen ay ka Naxeen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top