Home / Somali News / Warqad uu Maxamed Cali u diray Mandela oo lagu iibiyay £7,200 oo pound

Warqad uu Maxamed Cali u diray Mandela oo lagu iibiyay £7,200 oo pound

Warqad saxiixan oo feeryahankii geeriyooday Maxamed Cali uu u qoray madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa lagu iibiyay £7,200 oo pound.

Warqadda ayaa ahayd Tacsi uu Maxamed Cali u diray Mandela oo uu uga tacsiyeynaayay mid ka mid ah hogaamiyayaashii la dagaallnkii midab-kala sooca oo geeriyooday.

Warqadda waxaa la qoray 1993-dii. Waxaana lagu iibiyay si xaraash ah.

Mandela saaxiibkii oo ku baaqay in Zuma la casilo

Zuma oo ka hadlay natiijada ANC

Ninka iibsaday warqadda, Andrew Aldridge, wuxuu yiri: “Waa sax in la dhoho Maxamed Cali wuxuu ahaa feeryahankii markastaa ugu wanaagsanaa caalamka. Nelson Mandela na wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa caalamka.”

Henry Aldridge iyo Son oo iibiyay warqadda waxay sheegeen inay filayeen in Mareykanka gudihiisa looga gato inta u dhexeysa £6,000 iyo £8,000 oo pound.

Maxamed Cali ayaa laba isbuuc ku sugnaa South Africa, sanadkii 1993-diiImage copyrightAFP

Image captionMaxamed Cali ayaa laba isbuuc ku sugnaa South Africa, sanadkii 1993-dii

Warqadda waxaa qeyb ka ahayd sharaxaad ku saabsan sida ay ku dhacday in magaca Maxamed Cali uu qaldo caawiyihii qoray oo hadda ah qofka iibiyay.

Chris Hani iyo Nelson MandelaImage copyrightREUTERS

Image captionTacsida ayaa ku saabsanayd Chris Hani, oo sawirka kala muuqdo Nelson Mandela, kaas oo la dilay 1993-dii

Mr Aldridge wuxuu sheegay in Mandela uu sawir uu la galay Maxamed Cali uu saartay miiskiisa, sidoo kalena uu ku daray buugiisa.

Warqadda Maxamed Cali uu u qoray mandelaImage copyrightPA

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top