Home / Somali News / Cabdi Jiinow “Madasha Wada-tashiga waxay xoog ku maroorsadeen masiirkii Umadda”{DHAGEYSO}

Cabdi Jiinow “Madasha Wada-tashiga waxay xoog ku maroorsadeen masiirkii Umadda”{DHAGEYSO}

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa sheegay in Madasha Hoggaanka Wada-tashiga aanay kaligood laheyn go’aan qaadashada dalka, isagoo ku eedeeyay inay maroorsaden awoodii dalka.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in aanay jirin cid u gacan gelisay masiirka umada, balse ay ka faa’ideysteen xaalada ka jirta dalka, isagoo ku dhaliilay Beesha caalamka in shan nin gacanta u gasho masiirkii Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaa la dhahaa Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho, Masiirka Soomaaliya cid gacan u gelisay shan madaxweyne goboleed iyo hoggaan Federaalka ma jirto, cid ay sharciyad uga heystaan ma jirto, waa ay maroorsadeen awoodii dalka, maanata ma jirto awood kale oo baajin karta, nimankaan Beesha Caalamka iyagana waxay u fududeeyeen in masiirka umadda gacanta u geliyaan”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in go’aanada ay qaataan madasha uu yahay mid ay dantooda ku eegtaan, isla markaana qaarkood ay yihiin Musharaxiin dano wata.

Madasha Wada-tashiga qaran oo la aas aasay sanadkii hore ayaa la wareegay awoodii baarlamaanka iyo sharciyadii doorashooyinka, waxaana Hoggaamiyeyaashan isla siman shirarkooda uu noqday mid aan dhamaad laheyn, maadaama cid walba ay dooneyso inay talada dalka wax ku yeelato.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top