Home / Somali News / Dhageyso:- Koofur Galbeed oo Dadkii lagu laayay Qoryooley ku Eedeysay in ay ka dambeeyaan Shabaab

Dhageyso:- Koofur Galbeed oo Dadkii lagu laayay Qoryooley ku Eedeysay in ay ka dambeeyaan Shabaab

Baydhabo–KNN– Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed C/fitaax Ibraahin Geeseey oo la hadlay Xalay Barnaamijka Xogwareysi ee ka baxa Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay Dad Rayid ah oo lagu laayay Duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

C/fitaax Ibraahin Geesey ayaa sheegay in Falkaasi Foosha xun ay geysteen Al-shabaab islamarkaana Koofur Galbeed ay Ogaatay Dadka Dilkaasi Fooshaxun geystay in ay yihiin Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa intaa ku daray in Al-shabaab hadda ay u soo jeesteen Dhibaateynta Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la laayo Dad aan Dambi galin oo Xoogsato ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahin Najax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddi baara dadka rayidka ah ee lagu dilay Duleedka Qoryooley ay sameeyeen oo hada bilaabaya baaritaano Hufan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top