Home / Somali News / Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland oo Maanta ka dhaceysa Muqdisho

Muqdisho–KNN– Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa sheegayy in Maanta oo Isniin ah ay Dib uga bilaabaneyso Magaalada Muqdisho Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Degaanada Somaliland oo Guddigu oo si KMG u joojiyay Jimcihii la soo dhaafay Khilaaf jira Awgiis.

Maanta ayaa Doorashada oo ka dhaceysa xarunta Gaadiidka Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa lagu dooran doonaa illaa 6 Mudane.

Beelaha ka soo jeeda Somaliland ayaa Aqalka Hoose u helay saami ahaan 46 Xildhibaan,waxaana horay loo doortay in ka badan 20,inkastoo Guddiga Doorashooyinka ay laaleen qaar kamid ah Xildhibaanadii la doortay ee Beelaha Somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in la xaliyay intii badneyd Khilaafkii ka dhex jiray Doorashada Aqalka Hoose gaar ahaan Beelaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomalaiya ee hadda uu ka jiro Maamulka Somaliland.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top