Home / Somali News / Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xildhibaanada Cusub ugu baaqay in ay soo celiyaan Masiirkii Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xildhibaanada Cusub ugu baaqay in ay soo celiyaan Masiirkii Muqdisho

Muqdisho–KNN– Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee dhawaan lagu doortay Gobolada dalka qaarkood iyo Caasimadda Soomaaliya intaba.

Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Xildhibaanada Cusub ugu baaqay in ay soo celiyaan Masiirkii ay laheyd Magaalada Muqdisho oo Mugdi galay.

Xildhibaanada Cusub Ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u balan qaaday in ay Dagaal u gali doonaan sidii Magaalada Muqdisho ay u yeelan laheyd Maqaam iyo Maamul u Gooni ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caleemasaarkii Madaxweynaha Hirshabelle ka sheegay in Magaalada Muqdisho ay yeelan doonto Maqaam iyo Maamul u gooni ah islamarkaana Maamulka Hirshabeelle uusan noqon doonin Maamulkii u dambeeyay ee la dhiso.

Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin Dad ka badan Saddex Milyan oo Ruux ayaa dhowr jeer dadka degen waxaa ay Cabasho ka muujiyeen in la Hilmaamay Xaquuqdii ay lahaayeen oo dad kale la siiyay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top