Home / Somali News / Roob Saakay ka da’ay Boosaaso iyo Buuraleyda Galgala

Roob Saakay ka da’ay Boosaaso iyo Buuraleyda Galgala

Boosaaso–KNN–War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka curtay roob aad u xoogan saaka xilli hore.

Dhanka kalena magaalada Boosaaso ayaa waxaa ilaa saaka aroortii ka da’aya roob lagu diirsaday iyadoona ay maqantahay korontadii magaaladu, islamarkaana dhammaan wadooyinka magaalada biyo jiifaan.

Roobabkaani ayaa ah kuwa wali daya waxaana cusaybka cirka laga dareemaya deegaamo badan oo katirsan Puntland, siiba Nugaal, Karkaar, Bari iyo Sanaag.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top