Home / Somali News / Dhageyso:- Madaxweynaha Galmudug oo Fariin u diray Ganacsatada

Dhageyso:- Madaxweynaha Galmudug oo Fariin u diray Ganacsatada

Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Shaqadda ka socota Dekedda Magaalada Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ugu baaqay Ganacsatada ka soo jeeda Degaanada Maamulkaasi in ay Maalgashi ku sameystaan Galmudug oo hadda Ififaale Ganacsi uu ka muuqdo.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay Xil iska saari doonto Ganacsatada iyo iyo Ganacsigooda islamarkaana ay heli doonaan Ammaan ay ku naaloodaan.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli Dekedda Magaalada Hobyo ay dib uga bilaawdeen in Doomaha Ganacsatada u raran ay ku soo xirtaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top