Home / Somali News / Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka

Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka

Laba iyo toban  qof ayaa ku dhintay ilaa konton kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii gaari wayn lagu dardarsiiyay dad jooga suuq Chrismas-ka ee magaalada Berlin, sida uu sheegay boliiska.

Boliiska ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin inuu ahaa weerar loogu tala galay.

Darawalkii gaariga ayaa la xiray sida ay sheegayaan warfaafinta qaar.

Video muujinaya goobta ayaa laga arkayaa dad dhaawac ah oo dhulka yaala iyo meelihii alaabada lagu iibinayay oo burburay.

Suuqa ayaa ku yaala Breitscheidplatz, oo u dhow kaniisada Kaiser Wilhelm ee Kurfuerstendamm ee galbeedka Berlin.

Wariye u soo warama Berliner Morgenpost, ayaa ku tilmaamay waxa uu arkay wax aad u xun.

Weerarka ayaa dadka soo xasuusiyay weerakii gaariga loo isticmaalay ee ka dhacay magaalada Nice ee Faransiiska, maalintii xornimada ee Bastille Day oo dadka ay u dabaaldagayeen 14 July.

Weerarka oo ay ku dhinteen 86 qof, waxaa sheegatay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top