Home / Somali News / Munaasabado lagu xusayo aas-aaska Booliska Soomaliya oo Muqdisho iyo Gobolalda dalka lagu qabanyo

Munaasabado lagu xusayo aas-aaska Booliska Soomaliya oo Muqdisho iyo Gobolalda dalka lagu qabanyo

Muqdisho–KNN--Maanta oo ah 20 December waxaa ay ku beegan tahay 73-sano guuradii ka soo Wareegatay markii la aas -aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Munaasabado lagu Xusayo Aas-aaskii Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku beegneyd 1943 ayaa Maanta lagu qabanayaa Magaalada Muqdisho iyo weliba Gobolada dalka.

Munaasabad ka dhici doonta Iskuulka Gen.Kaahiye ee Ciidamada Booliska ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari iyo qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdishoku sugan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliya,Xaasaskooda iyo Carruurtooda intaba.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top