Home / Somali News / Musharax Madaxweyne farmaajo oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Musharax Madaxweyne farmaajo oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Muqdisho–KNN– Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda ah Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa Goor dhow ka soo degay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo dhaweeyay Boqolaal ka mid ah Taageereyaashiisa ku sugan Magaalada Muqdisho,waxaana la filayaa inuu hadal u jeediyo dadka ka qeyb qaatay soo dhaweyntiis islamarkaana uu uga Warbixiyo Musharaxnimadiisa iyo waxyaabaha uu Bulshada u qaban doono haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya.

Saddexdii Maalin ee ugu dambeysay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay Ololaha soo dhaeynta Musharax Maxamed C.llaahi farmaajo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top