Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Ciidamo Gadoodsan oo la Wareegay Kontoroolo ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe

War Deg Deg ah:- Ciidamo Gadoodsan oo la Wareegay Kontoroolo ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe

Jowhar–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Gadoodsan ay la wareegeen Kontoroolo Canshuurta lagu qaado oo ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka oo Mushaar la’aan ka cabanaya ayaa qabsaday Saddex Kontorool oo kala Qalimow, Garsaale iyo Ceelka-Geelow oo hoostaga Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiisha Hogaaminaya Ciidanka Gadoodsan ee Kontoroolada qabsaday ayaa sheegay in aysan heli wax Mushaaraad ah Bilihii la soo dhaafay islamarkaana ay sidaa u qabsadeen.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa wada Dadaalo ay Ciidanka Gadoodsan dib ugu Celinayaan Xeryahoodii looguna qancin lahaa in ay baneeyaan Kontoroolada.

Isku socodka Gaadiidka isticmaala wadada u dhexeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa Caadi ah,mana jirto wax Hakad ah oo ku yimid.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top