Home / Somali News / Doon u rarneyd Ganacsato oo ku degtay Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Puntland

Doon u rarneyd Ganacsato oo ku degtay Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Puntland

Boosaaso–KNN– Wararka ka imaanaya Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Xeebaha Magaaladaas ay ku degtay Doon siday Shixnado kala duwan oo u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed.

Doonta ayaa ka timid Wadanka Cumaan,waxaana la sheegay in ay qalimantay markii ay Dekedda Boosaaso u soo jirtay ku dhawaad 14 Ml.

Illaa 7 Qof oo la socday ayaa waxaa soo badbaadiyay Kaluumeysato ku sugnaa Xeebaha Boosaaso,waxaana sidoo kale la la’yahay 5 kale Nolol iyo Geeri intaba.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland ay baadi goob ugu jiraan Dadka la weysan yahay ee Doonta saarnaa.

Puntland waxaa sidoo kale ay sheegtay in Doonta in ay degto ay sabab u aheyd Dabeylo ka jiray Xeebaha Puntland sida ay sheegeen.

Doonta ayaa lasoo warinayaa in Shixnada ay siday u badneyd Bagaash.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top