Home / Somali News / Meydka mid kamid ah Naaquuteyaasha Doontii ku Degtay Boosaaso oo la helay

Meydka mid kamid ah Naaquuteyaasha Doontii ku Degtay Boosaaso oo la helay

Boosaaso–KNN– Iyadoo Doon ka timid Wadanka Cumaan oo u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ay ku Degtay Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa Faah-faahin ka bixiyay Wararkii ugu dambeeyay Doonta Degtay Agaasimaha Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafaan.

Doonida Degtay  ayaa siday 1,200 oo tan oo bagaash iyo raashiin ka koobnaa.

Waxaa doonida saarnaa 12 shaqaale oo isugu jiray ajanabi iyo Soomaali, iyadoo sagaal ka mid ah shaqaalaha la soo badbaadiyey waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso sida uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Dekedaha Puntland.

Cabdimajiid Samatar Jaafaan ayaa sidoo kale sheegay in ay soo heleen Meydka mid kamid ah Naaquudeyaasha Doonta Degtay islamarkaana hadda la la’yahay Labo kamid ah Shaqaalihii doonta saarnaa Nolal iyo Geeri,balse ay wadaan Baaritaan lagu baadi goobayo.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top