Home / Somali News / Sargaal sare oo ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay Maamulka Jubbaland

Sargaal sare oo ka tirsan Shabaab oo isku dhiibay Maamulka Jubbaland

Sargaal sare oo ka tirsan Madaxda Xarakada Al-shabaab ayaa isku dhiibay Gelinkii dambe ee Shalay Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan Degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sargaalka ka tirsan Shabaab oo Magaciisa lagu soo koobay Sheekh Maxamed ayaa ahaa Madaxii Xoolaha ay Dadka ka Aruuriyan ee ay ugu Magac dareen Shabaab Sakawaadka.

Sargaalka oo Ciidamada isku soo dhiibay ayaa waxaa soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Galbeedka Magaalada Kismaayo waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Dad Xoolo dhaqato ah.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top