Home / Somali News / Al-shabaab oo sheegay in ay Nolosha ku qabteen Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM

Al-shabaab oo sheegay in ay Nolosha ku qabteen Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM

Ururka Alshabaab ayaa sheegay in ay howlgal gaar ah ku qabteen askari ka tirsan ciidamada AMISOM kaasoo ka mid ahaa ciidamada Uganda ee ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Sida lagu daabacay baraha taageera ururka Alshabaab askarigan ayaa xilligii la qabanayay watay qori Ak-47 ah iyo afar qasnadood.“Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamo gaar u tababaran ayaa waxaa lagu guuleystay in lagu soo qabto askari u dhashay wadanka Yugaandha, kana tirsan soo duulayaasha AMISOM.”ayaa lagu qoray bog ka mid ah baraha ay isticmaalaan ururka Alshabaab,

Alshabaab ayaa intaa ku dartay  in askarigan uusan dagaalamin balse is dhiibay markii uu arkay in afarta jiho laga soo weeraray, Ururka Alshabaab ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan sawirka askarigan iyo magaciisaba dhowaan.

Hase yeeshee, Ciidamada AMISOM ayaa barteeda Twitterka  waxa ay ku shaaciyeen maanta in ay baadigoobayaan mid ka mid ah ciidamadeeda oo ku sugnaa xero ku taal magaalada Qoryooley.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top