Home / Somali News / Dhageyso:- Galmudug oo sheegtay in Raashinkii Turkigu ugu deeqay uu Shaqsiyaad u Xayiran yahay

Dhageyso:- Galmudug oo sheegtay in Raashinkii Turkigu ugu deeqay uu Shaqsiyaad u Xayiran yahay

Gaalkacyo–KNN– Maamulka Galmudug ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Raashin Gargaar ah oo Dowladda Dalka Turkiga ay ugu deeqday Maamul Goboleedka Galmudug.

Shire Xirsi Maxamed Wasiirka  Wasaaradda Gargaarka  Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Raashinkaas Deeqda ah uu u xayiran yahay Ganacsato islamarkaana aysan garaneyn Sababta ka dambeysa.

Wasiirka Gargaarka Galmudug ayaa intaa ku daray in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo og yahay Raashinka xayiran,waxaana uu Xusay Wasiirku in Madaxweyne Guuleed uu dhawaan Warqad qoray si raashinka loo fasaxo loona gaarsiiyo dadkii loogu talo galay,balse aysan weli dhicin in la fasaxo Raashinka.

Hadalka Galmudug ayaa imaanaya Xilli Degaanada Galmudug ay ka jirto Abaar Sababtay in Dadka iyo Xoolaha intuba ay dhintaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Warka ku saabsan Raashinka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top