Home / Somali News / QM oo guddi u saartay baaritaanka xadgudubka ka dhacay Suuriya

QM oo guddi u saartay baaritaanka xadgudubka ka dhacay Suuriya

Golaha guud ee qaramada Midoobeey ayaa u codeeyay in la aasaaso guddi ka shaqeeya sidii loo dacweyn lahaa shaqsiyaadka xadgudubka ka geystay Suuriya.

Guddiga wuxuu uruurinayaa cadeymo muujinaya xadgudubyada ugu daran ee dhacay intuu socday dagaalka Suuriya.

Arrintan oo si aan caadi ahayn loogu codeeyay waxay diidmo kala kulmeysaa Suuriya iyo dalalka xulafada la ah sida Ruushka.

Baaritaan UN ay sameysay ayey ku sheegeen inaysan xaqiijin karin cidda geysatay duqeyn lagu dilay 10 qof oo UN u shaqeyneysay oo gargaar u waday Xalab.

Sidoo kale waxay tilmaameen inaysan cadeyn karin in weerarkaasi uu ahaa mid si ula kac ah loo fuliyay.

Sikastaba, waxay sheegtay Suuriya, Ruushka ama isbeheysiga Mareykanka oo keli ah ay ogaan karaan sida ay wax u dheceen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top