Home / Somali News / Ciidamada dowlada Siiriya oo si buuxda ula wareegay magaalada Xalab”Sawiro”

Ciidamada dowlada Siiriya oo si buuxda ula wareegay magaalada Xalab”Sawiro”

Ciidamada dowlada Siiriya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Siiriya ee Xalab kadib lix sano oo ay ku dagaalamayeen ciidamo daacad u ah Madaxweyne Assad iyo maleeshiyaadka kooxaha mucaaradka.

Kooxdii ugu dambeysay oo isugu jirtey dagaalyhano ka tirsan mucaaradka iyo dad rayid ah ayaa khamiistii laga saaray magaalada Xalab oo labo dhinac u kala qeybsanayd lixdii sano ee la soo dhaafay.

Taleefishinka dowlada Siiriya ayaa laga daawaday rasaas cirka loo ridayo iyo dabaaldagyo ka socda Galbeedka Xalab iyadoo laga arki karay askar xiran dareeska ciidamada iyo dad rayid ah oo sita boorar lagu taageerayo Madaxweyne Assad.

In laga daadgureeyo dadka rayidka ah iyo maleeshiyaadka mucaaradka ku ah dowlada Siiriya ayaa la bilaabay toddobaadkii hore kadib markii kooxaha mucaaradka ay oggolaadeen inay is dhiibaan kana baxaan Bariga Xalab.

Illaa 35,000 oo ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo maleeshiyaadka mucaaradka ayaa laga daadgureeyay magaalada xalab dhinaceeda Galbeed. Sarkaal ka tirsan kooxda mucaaradka ee Ahrar al-Sham Axmed Qorra Cali ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu dambeysay ay ka baxday magaalada Xalab.

i j n xalah

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top