Home / Somali News / Diyaaradii laga afduubay Liibiya oo laga dajiyay Malta

Diyaaradii laga afduubay Liibiya oo laga dajiyay Malta

Diyaarad rakaab oo laga leehay dalka Liibiya oo ay saaranyihiin 118 qof ayaa la afduubay waxaana lagu khasbay inay ka dagto jasiiradda Malta, sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha Afrqiyah.

Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad maxali ah.

Waxaa hadda ku hareereysan ciidammo. Waxaa sidoo kale garoonka ku sugan oo heegan sare ku jira shaqalaaaha gurmadka deg degga ah.

Waxay u muuqataa in aan wax xiriir ah lala sameynin kuwa afduubay diyaaradaasi oo la sheegay inay wataan bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Garoonka Malta ayaa qayb ahaan la xiray iyadoo duulimaadyada qaar loo weeciyay jasiiradda Taliyaaniga ku taallla ee Sicily.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top