Home / Somali News / Heshiis laga gaaray mustaqbalka madaxweyne Kabila

Heshiis laga gaaray mustaqbalka madaxweyne Kabila

Hogaamiyayaasha mucaaradka ee Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Kongo ayaa sheegay in ay heshiis ku saabsan qaabkii loo maareyn lahaa xilliga kala guurka dalkaasi ay la galeen xisbiga talada dalkaasi haya.

Balse mas’uuliyiinta kaniisadaha oo dhexdhexaadinayay labada dhinac, ayaa sheegay inay wali jiraan arrimo aan heshiis laga gaarin, balse ay suurtagal tahay in maanta la kala saxiixdo heshiis.

Heshiiskaasi wuxuu dhigayaa in madaxweyne Joseph Kabila uu sii haya xilka ilaa iyo dhamaadka sanadka 2017-ka inkastoo wakhtigiisii uu dhamaaday.

Waxaa la magacaabi doonaa Ra’iisal Wasaare kasoo jeeda dhanka mucaaradka.

Kabila wuxuu xukunka qabtay laba jeer taasoo uu dastuurku u oggolyahahy. Lakiin doorashadii la filayay in ay waddanka ka dhacdo ayaa la baajiyay waxaana ka dhashay qalalaaso kadib markii Kabila uu diiday inuu xilka ka dago.

Dowladdu wali kama aysan hadlin heshiiskan ay mucaardku shaaciyeen.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top