Home / Somali News / Madaxweyneyaasha Galmudug,Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo Itoobiya looga yeeray

Madaxweyneyaasha Galmudug,Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo Itoobiya looga yeeray

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Maamulada Koofur Galbeed Galmudug iyo Hirshabelle ay u yeertay Dowladda Itoobiya islamarkaana ay Shalay galinkii dambe ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Sababta Dowladda Itoobiya ay ugu yeertay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay in ay tahay Arrimo la xariira Doorashooyinka,iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in Sababtu ay tahay Muran u dhexeeya Hogaamiyaasha Madasha Qaran.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ahaa Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ee u IToobiya ay u yeertay,balse uu ka Cudurdaartay.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegaa in ay Sameyn weyn ku leedahay Doorashada Dalka ka socota islamarkaana ay dooneyso inuu soo laabto Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Mar kale.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top