Home / Somali News / Qarax ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Howlgallo ka socda

Qarax ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Howlgallo ka socda

Baardheere–KNN– Wararka ka imaanada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay Qaraxyo lagu weeraray Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Baardheere.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere ayaa sheegay in Qaraxyada lagu Weeraray Ciidanka ay ahaayeen Bambooyinka gacanta laga tuuro islamarkaana aysan jirin wax Khasaare ah oo ay geysteen sida ay haddalka u dhigeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saakay Baaritaano ka wada Magaalada Baardheere,kuwaas oo baaraya Gaadiidka,Dadka iyo Guryaha Magaalada ku yaalla.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top