Home / Somali News / Dhageyso:- Puntland oo sheegtay in ay Furtay Wadoyin ku xirmay Dagaalkii Gaalkacyo

Dhageyso:- Puntland oo sheegtay in ay Furtay Wadoyin ku xirmay Dagaalkii Gaalkacyo

Wasiirka Degaanka Maamulka Puntland  Cali Cabdullaahi Warsame Maanta kula hadlay Saxafadda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Dagaalka ku soo laab laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Cali C/llaahi Warsame ayaa sheegay in Puntland ay Furtay Wadooyinkii ku Xirmay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ,iyadoo Maamulka Galmudug uu ugu baaqay in ay dhankooda Furaan Wadooyinka u xiran si Ganacsiga iyo is dhexgelka Bulshada Gaalkacyo ay u bilaabato.

Wasiirka Degaanka Puntland ayaa intaa ku daray in Magaalada Gaalkacyo ay ka bixi doonto Dagaalada ku soo laab laabtay islamarkaana ay la mid noqon doonto Magaalooyinka kale ee Dalka ku yaalla ee Nabdoon.

Halkana Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top