Home / Somali News / Madaxweyne Cosoble oo markale la siiyay Fursad uu Wasiirro ku soo dhiso

Madaxweyne Cosoble oo markale la siiyay Fursad uu Wasiirro ku soo dhiso

Jowhar–KNN– Kulan ay maanta Magaalada Jowhar oo Xarun u ah Maamulka Hirshabeelle ay ku yeesheen Golaha Wakiilada Maamulka Hirshabelle ayey Mudo Labo Bilood ah ay waqtiga ugu kordhiyeen Madaxweynaha Maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble inuu soo dhiso Golaha Cusub Ee Wasiirada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Mudadii hore ee Madaxweynaha ay u qabteen inuu ku soo dhiso Golaha Wasiiradda ay ka dhamaatay islamarkaana hadda la siiyay Fursad dhan Labo Bilood oo laga sugayo inuu ku soo dhiso Xukumad.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa horay u sheegay in soo dhisida Xukumaddiisa ay dib u dhigtay Doorashada Labada Aqal ee lagu qabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top