Home / Somali News / QM oo Walaac ka muujisay Dagaalka ka soo Cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo

QM oo Walaac ka muujisay Dagaalka ka soo Cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacayo, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof halka ay jiraan dhaawacyo kala geddisan.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada kala geddisan inay tixgeliyaan heshiiskii xabbadjoojinta.

Tan iyo intii isfahamka laga gaadhay xiisadda Gaalkacayo, waxaa hawlgelayey guddiyo isku dhafa oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ku hawlanaa sidii xiisadda jirta loogu xallin lahaa wadahadal, inkasta oo aad mooddo in meelaha qaar gaar ahaan waddooyinkii xidhnaa iyo dib u furistoodu aanay u hirgelin sidii loo baahnaa.

Warkan ka soo baxay xafiiska ergeyga Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa lagu sheegay, in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug inay tahay inay tallaabo aan gacan ka hadal ahayn inay ku xalliyaan khilaafka dhexyaalla, isla markaana ay u qaadaan tallaabooyin ay dib ugu furayaan waddooyinka, ciidamadana u kala qaadaan, waxana ergeyga qaramada midoobay uu sheegay in cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida in dabagal lagu samayn doono.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top