Home / Somali News / Roob Xoolo badan dilay oo ka da’ay Gobolka Sanaag

Roob Xoolo badan dilay oo ka da’ay Gobolka Sanaag

Ciirigaabo–KNN–Wararka naga soo gaaraya degaano hoos yimaada Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in roobab xoogan oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada uu  ka da’ay Gobolka Sanaag.

Degaanada ay roobabku ka da’een ayaa waxaa la sheegaya in ay ka jireen abaaro ba’an, roobabka oo la sheegay in ay wateen dabeeylo ayaa waxaa  ku dhintay  ku dhawaad 500 oo neef oo ari ah.

Dadka ku nool Degaanada uu Roobku ka da’ay ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dhaafeen Xoolihii ay dhaqan jireen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa Warfidiyeenada u sheegay in ay Gurmad Deg Deg ah u fidinayaan Dadka uu Roobku saameeyay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top