Home / Somali News / Xiisad Dagaal oo Saaka ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Xiisad Dagaal oo Saaka ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Gaalkacyo–KNN– Xiisad Dagaal oo u dhexeeysa Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Saaka ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xiisadda ayaa timid ka dib Dagaal Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo dhimasho iyo dhaawac Sababay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Magaalada geeyeen Ciidamo aad u badan,iyadoo laga Cabsi qabo inuu Dagaal dhexmaro Labada dhinac.

Bilowgii Bishaan December ayey aheyd markii Maamulada Galmudug iyo Puntland ku Heshiiyeen Magaalada Gaalkacyo,iyadoo sidoo kale uu dhowr jeer dhacay Dagaal Labada dhinac dhexmaray.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top