Home / Somali News / Dhageyso:- Baarlamaanka Labada Aqal oo la dhaarinayo 27-ka Bishaan

Dhageyso:- Baarlamaanka Labada Aqal oo la dhaarinayo 27-ka Bishaan

Muqdisho–KNN– Maamulka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in 27-ka Bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota la dhaarin doono Xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Cusub.

C/kariin Buux oo ka mid ah Maamulka Baarlamaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ay ka dhici doonto 27 December Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu Xildhibaanada Labada Aqal ee la doortay uu ugu baaqay in ay soo qaataan Kaarka Aqoonsiga ee Guddiga Doorashooyinka Dadban uu siiyay.

Madasha wada-tashiga Qaran ayaa horay iskugu raacay in 15-ka Bishaan oo la soo dhaafay la dhaarin doono Baarlamaanka Balse uu dib u dhac ku yimid.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top