Home / Somali News / Dowladda Soomaaliya oo ku Hanjabtay in ay markale joojineyso Qaadka

Dowladda Soomaaliya oo ku Hanjabtay in ay markale joojineyso Qaadka

Wargeeyska Daily nation ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa Daabacay in Soomalia ay ugu Hanjabtay Kenya in ay Dib usoo Rogeeyso Xayiraddii Qaadka Kayimaadda Kenya Sababo la xiriira in Xukuumadda Nairobi tix Galindiiday Hishiiskii Dhigayay in Dib loo Bilaabo Duulimaadyadii Tooska ahyd ee Mugadissho iyo Nairobi.

Dowladdaha Soomaliaya iyo Kenya ayaa Bishii September ku Hishiiyay in Xayiradda Laga qaado Qaadka kayimaadda Kenya Taas Bedelkeedana la Bilaabo Duulimaadyado Toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi 13 kii Bishaan December ee Maanka 25 ka Mareeysa.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Saraakiil katirsan dowladda Soomaliya waxa ay Kenya ku eedeeyeen in ay ka aamustay Hishiiskii Dadka Soomaalida ah looga badbaadinayay Daalka iyo Rafaadka ay kala Kulmaanaan Magaaladda Wajeer oo Diyadda Siddda lagu Dajiyo Sababo la xiriira Baaritaanno dhinaca Amaanka ah.

“ Soomaliya iyo Kenya waxaa ay lahaayeen Hishiis  Xayiradda Meesh lagooga Saarayo, Sababtoo ah Garoomaadda Diyaaradaha Mugadisho iyo Nairobi Waa ay Awoodi karaan Hubinta Amaanka Qofkasta ka hor inta uusan Korrin Diyaaradda” ayuu Sargaal ka tirsan dowladda Soomaliya oo la Hadlay The Sunday Nation.

Wuxuuna Sargaalkaas Hadalkiisa ku daray in mudoo 3 bilood ah Dhinaca Kenya Hishiiskaas uu san ka Hirgalin, Taasina waxaa ay ka Dhigantahay in Kenya aysan Hishiiska Daaca kahayn, Xayiraadana Waan soo celindoonaa.

Tan iyo Sanaddii 2006 dii oo Soomaliya ay Maxaakiimtii Islaamiga aheyd Qabsadeen, Kenya waxaa ay Xadidad Dhinaca Amaanka ah ku soo rogtay Dhamaan Duulimaadyada Kabaxa Soomaliaya ee kusii Jeeda Nairobi oo Marka Hore ku sii Dega Wajeer Baaritaana Halkaas kusii Mara.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top