Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Xeerilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Boosaaso lagu dilay

War Deg Deg ah:- Xeerilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Boosaaso lagu dilay

Boosaaso–KNN– Kooxo Hubeysan ayaa Bartamaha Magaalada Boosaaso ku dishay Allaha u Naxariistee C/kariin Xasan Firdhiye oo ahaa Xeerilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Dilkaan oo ay Fuliyeen Koox aan weli la garan ayaa kadhacay Meel u dhaw Hoteel uu Boosaaso ka degenaa Xeerilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland C/kariin Xasan Firdhiye sida uu noo xaqiijiyay Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Dilkaan ayaa yimid Xilli Baaritaano Xoogan oo Amniga lagu Xaqiijinayo uu ka socdo Magaalada Boosaaso,waana Dilkii Saddexaad oo 15  Cisho Gudahood ka dhaca Magaalada Boosaaso,waxaana horay Dilal Qorsheysan loogu dilay sidaan oo kale Taliye Kuxigeenkii Saddexaad ee Ciidamada Booliska Puntland Saxardiid iyo Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso Aadan Gaas.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top