Home / Somali News / Askari Labo Qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Wadajir

Askari Labo Qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Wadajir

Muqdisho–KNN– Askari ka tirsan Ciidanka Minashiibiyada  Ee Dowladda Hoose ayaa Labo Qof oo Shacab ah ku dilay Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir.

Askariga Dilka Geystay oo Magaciisa lagu sheegay Saciid Gureey ayaa ka mid ah Ciidanka ilaalada Degaanka,waxaana la sheegay inuu Labada Qof u dilay Lacag Canshuur ah oo uu qaadayay.

Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in Askariga ka tirsan Ciidanka Minashiibiyada iyo Labada Qof ee Shacabka ah uu dhexmaray Muran ku aadan Lacag Canshuur ah oo uu qaadayay Askariga Dilka Geystay islamarkaana Rasaas uu ku furay ay u dhinteen.

Qof kale oo asna Shacab ah ayaa la Xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay Rasaasta uu dadka ku dilay Askariga ka tirsan Ciidanka Ilaalada Degaanka.

Dhawaan ayey aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Miinashiibiyada uu sidaan oo kale Isgoyska KM4 ku dilay Wiil Darawal ka ahaa Mooto Bajaaj oo ay isku Af-dhaafeen qaadista Lacag Canshuur ah.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top