Home / Somali News / Ciidanka Puntland oo Boosaso ku xir xiray Dad Badan

Ciidanka Puntland oo Boosaso ku xir xiray Dad Badan

Boosaaso–KNN– Howlgal Ciidanka Puntland ay xalay illaa Saaka ay ka sameeyeen Magaalo Xeebeedka Boosaaso ayey ku soo qab qabteen Tiro dad ah.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in dadka la soo qab qabtay Baaritaano lagu hayo islamarkaana Ciddii ay ku cadaato in ay Shabaab Xariir la leeyihiin Sharciga la saari doono.

Shalay Magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay Xeerilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland,iyadoo Magaaladaas sidoo kale horay loogu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Talaabo laga qaadi doono Askar ka tirsan Ciidanka oo arkayay markii Dilka loogeystay Xeerilaaliyaha Balse aan wax Talaabo ah qaadin.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top