Home / Somali News / Dhageyso:- Puntland oo Digniin u dirtay Milkileyaasha Hotelada Boosaaso

Dhageyso:- Puntland oo Digniin u dirtay Milkileyaasha Hotelada Boosaaso

Boosaaso–KNN– Iyadoo Shalay Magaalada Boosaaso lagu dilay Xeerilaaliyihii  Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa waxaa si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland C/fitaax Xaaji Aadan,waxaana uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Puntland Maxkamad la soo taagi doono islamarkaana lagu haysto in aysan waxba ka qaban  Dilkii Xeerilaaliyaha oo Shalay Ciidanka oo arkaaya la dilay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale Digniin u diray Milkileyaasha Hotelada ku yaalla Magaalada Boosaaso oo uu ku Eedeeyay in ay Dayaceen Amniga dadka Degen Hoteladooda islamarkaana Mas’uuliyiinta la dilay intooda Badan lagu dilay Meel aan ka dheereyn Hotelada ay degenaayeen.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacan bir ah ku qaban doonto Dadka Dilalka Qorsheysan ka geysta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top