Home / Somali News / Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeeyay Gobolka Shabellaha Hoose

Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeeyay Gobolka Shabellaha Hoose

Waaya–arag–KNN–Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Tuulo lagu Magacaabo Waayo-arag oo hoostagta Degaanka  Janaale ay Xalay duqeyeen Diyaarado Dagaal.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay Fuliyeen Labo Diyaaradood oo nuuca Dagaalka ah,kuwaas oo Bartilmaameedsaday Saldhig Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Waayo-arag oo 7 KM u jirta degaanka Janaale.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in Diyaaradaha ay halkaas ku dageen Duqeynta ka dib,waxaana ka soo degay Ciidan Lug ah,iyadoo Dagaal toos ah uu dhexmaray Ciidankii ka soo dagay Diyaaradaha iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Weli ma jirto Cid Ogaan karta Khasaaraha ka dhashay Duqeynta Xalay Diyaaradahu ay ka Fuliyeen Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top