Home / Somali News / Dowladda Itoobiya oo Shariif Xasan ka Codsatay inuu ka Tanaasulo Musharaxnimada Xilka M/weynaha Soomaaliya

Dowladda Itoobiya oo Shariif Xasan ka Codsatay inuu ka Tanaasulo Musharaxnimada Xilka M/weynaha Soomaaliya

Addis ababa–KNN– Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa Mudo Labo Maalin ah ka socday Kulan dhexmaray Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya iyo Madaxweyneyaasha Maamulada Koofur Galbeed Galmudug iyo Hirshabelle.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay ka Codsatay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu ka Tanasulo Musharaxnimada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo Saameyn weyn ku leh Doorashada Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay wadato qaar kamid ah Musharaxiinta hadda u Tartamaya Xilka ugu sareeya ee Dalka.

Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa la soo warinayaa inuu aaday Magaalada Barakeysan ee Makka si uu u soo Cumreysto.

Dhanka kale Madaxweyneyaasha galmudug iyo Hirshabeelle ayaa iyaguna u duulay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top