Home / Somali News / Faah-faahin Dagaal Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Shabellaha Dhexe

Faah-faahin Dagaal Milatariga Soomaaliya ku dhexmaray Shabellaha Dhexe

Xawaadley–KNN– Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Xalay ka dhacay degaanka Xawaadley oo Hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Muran Dhul-beereed ku yaalla Degaanka Xawaadley,iyadoo la sheegay in Ciidanka dagaalamay ay kala Hogaaminayaan labo Sargaal oo Ciidanka Xoogga ka tirsan.

Ugu yaraan 6 Qof ayaa ku dhimatay dagaalka ka dhacay Xawaadley,kuwaas oo isugu jira Ciidamadii Dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo Maamulka Hirshebeelle weli kama hadlin Dagaalka Khasaaraha dhimasho dhaliyay ee ka dhacay Gobolka Shabellaha dhexe.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top