Home / Somali News / Qarax ka dhacay Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir

Qarax ka dhacay Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir

Muqdisho–KNN– Qarax ah Miinada Dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay Isgoyska Hawlwadaag Ee Gobolka Banaadir,waxaana la sheegay in uusan Geysan wax Khasaare ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hawlwadaag ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Qaraxa ka war heleen islamarkaana ay dadka ka kala Eryeen Goobtii lagu aasay,waxaana ay intaa ku dareen in Kooxdii Qaraxa halkaa ku aastay ay Qarxiyeen.

“Ciidanka Ammaanka ayaa Goobta tagay Markii ay heleen Xogta ah in Qaraxa lagu aasay,iyaga ayaa Dadka ka kala Ceyriyay,Alle ayaa mahaddaas iska leh oo ma jirto wax Khasaare ah oo Qaraxa Miino ka dhalatay”sidaa waxaa yiri Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hawlwadaag.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top