Home / Somali News / Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Kismaayo booqatay

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Kismaayo booqatay

Kismaayo–KNN– Wasiirka Difaaca Xukumadda Kenya ayaa Sabtidii la soo dhaafay Booqasho aan horay loo sii shaacin ku timid Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay joogaan Ciidamo Kenyan ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Haweeneyda lagu Magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Kenya Samson Mwathethe ayaa Kulamo la qaatay Saraakiisha ku sugan Magaalada Kismaayo,waxaana Wasiirka Difaaca ay Ciidanka Kenya ku amartay in ay Labo Jibaaraan Dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab.

“Al-shabaab waa Cadawga Koowaad ee Kenya iyo Dalalka ku yaalla Bariga Afkika,waxaa laga doonayaa Ciidanka Kenya in ay qaadaan Weeraro lagu wiiqayo Al-shabaab si looga adkaado”ayey tiri Raychelle Omamo.

Kenya oo Ciidankeedu ay Soomaaliya soo galeen 2011 ayaa waxaa ka jooga Gudaha Soomaaliya Ciidan dhowr kun ah,kuwaas oo qeyb ka ah Howlgalka Midawga Afrika ee AMISOM.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top